Gobolka Shabeelaha Hoose Ma Hoyga Isbaarooyinkaa?

0
127

isbaroWaxaan beryahanba ku raad jogney Isbaarooyinka sida qiyaas darada ugu soo badanaya gobolka shabeelaha hoose taasoo beryahan dambe faraha ka baxdey kol dhoweyd ayey aheyd kolkii aan wareysi la yeelaney gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose oo aan ka wareysaneyney arimaha ku saabsan isbaarooyinka jawaabaha uu inaga siiyeyna wexey eheyd in isbarooyinka inta badan ey u yaalaan ciidan ka dowlada uuna dhowr jeer kala Hadley balsa eysan jirin wax ey ka qabteen jawabta codkiisa nala dhegeysta inta eynan u guda gelin wixii soo kordhey

JAWABTII SIIDI

Wareysiga ka dib ayaa wexeynu si fiican ugu kuur galney si aan u oganao  xogta dhabta ah ee taala gobolka shabeelaha hoose waxaana xaqiiqdu tahay in isbaarooyinka intaba ey u taalo ciidanka milateriga qaarna ey u yaalaan masuuliyinta gobolka iyo degmooyinka ka tirsan gobolka shabelaha hoose.

Taasoo sida aand manta aragtaan ey shaqo joojin sameeyeyn gaadiidka ka shaqeeya gobolka shabeelaha hoose ayagoo aad uga cabanaya isbaarooyinka tirada badan ee ciidamada dowalda u yaala gobolka shabeelaha hoose loona baahan in dowlada ey wax ka qabato sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxaan halkan hoose idinkugu soo gudbineynaa Isbaarooyinkii horey u yaaley iyo kuwa kusoo kordhey Gobolka shabeelaha hoose iyo cida soo dhigatey.

Isbaaro

1-. Xarunta agoonta Afgooye waxay u taal Khaliif Max’ed Kaahiye Taliyaha Nabadsugida Degmada Afgoye oo Ceyr ah, ninkaan waa Kooxdii Cirfo, waana ninuu watey Agasimihi NSS-ta Fiqi waxayna isla yihiin H/gidir.

2. Laanta Buuro (ex-xabsigii hore) waxayna u taal sarkaal lagu magacaabo Hurdaaye waana Militery, waana Abgaal, waana sarkaalkii habenkii madaxweynaha mamnuucey isbaaroyinka, uu madaxweynaha Buug Note kiis kasoo bixiyey Boleeto uu kusoo jaray Leego oo xiligaas uu kusugnaa una taaley isbaaro weyn oo 4 jidleey ah

3. Muuri waxay Afgooye u jirtaa 14 km, dhanka wadada Marko, waana isbaarada ugu dambeysay 9 ka May ayana ladhigey, waxaana dhigtey C/qaadir Siidii, C/laahi iideey & Jeneral Cageey (taliyaha Gaaska 2 aad)

4- Numberk 50 (Raaxoole) waxay u taal isbaaro Maleeshiyo+ciidan uu xukumo Gudoomiyaha Deegaankan, Mudane C/laahi Waafow, waana nin xakameyey Ciidankaan, maxaa yelay wax ma dhacaan, waxna ma kufsadaan, waana Biimaal

5-Ceelwareegow waxay u taal kusimaha Gudoomiyaha Degmada Marka Maxamed C/qaadir Yariisow oo ah nin Biimaal ah kana ah Dabruu, waxaana u jooga 40 Maleeshiyo beeleed ah

F. G: laanta buuro waxaa jooga 15 maleeshiyo beeleed oo ku heyb ah, sarkaal Hurdaaye,
Dhanka Muuri weli waxaa socda ku daad gureynta ciidanka & Maleeshiyo beeleed .
Dhanka No. 50 waxaa jooga 40-50 maleeshiyo beeleed & ciidan isugu jira.

6- Buufow waatii hore kaliya waxaa kusoo kordhey in C/qaadir Siidii o ah Gudoomiyaha Gobalka Sh/hoose u qorey taliyaha Amisom ta joogta Buufow $100/day, taasoo maalina loogu geeyo Neef Ari ah, maalina Prepaid Card yo, maalina waxaa loogu gadaa Doorooyin.

Halkaan maleshiyada & Ciidanka jooga waa 35-40 oo Ceyr ah, waxaana horjooge u ah Liibaan Madaxweyne oo hada isagoo Dhaawac ah yaala Halane Hospital

7. Shalanbood waa sidii hore kaliya waxaa kusoo kordhey in Amisom Share kuyeelatey oo ah $100/day, maleeshiyada bartaan joogtana waa 50-60 nin

8. Ceeljaale waxay u taal sarkaal Militery ah oo lagu magacaabo Korneyl Cirro.

9. Sarta Minishiibiyada horteed waxay u taal Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Marka, Maxamed C/qadir Yariisow, kuxigeenadiis Baarliin Dhoodhoole & nin lagu magacaabo C/qaadir Jeel-jeelow

10. Cabdow Dibile iyana weli waa taalaa isbaarada

11. Waayo-arag waa meel aanka fogeyn Cabdow Dibile

F. G: kusimaha Gudoomiyaha Degmada Marka waxaa isbaarada u jooga 35-40 maleeshiyo Beeleed ah oo isaga kuheyb ah.

12. Janaale (jidka kayimaada Awdheegle waa taalaa isbaarada) waxayna u taalaa C/qaadir Siidii & Jeneral Goobaanle, waxana jooga 20 Maleeshiyo Ceyr ah.

13. Janaale ( jidka kayimaada Sagaaroole & Busleey) iyadana waa sida tan ka horeysa oo kale waa dhanka Share ka, waxaana jooga 10 qof oo Meleshiyo Beesha Ceyra ah

14. Janaale (jidka Buufow kayimaada) waxaa yaala isbaaro kale waxayna u taal C/qaadir  Siidii & maleeshiyo uu Hogaamiye ina Ceelbuur oo ah kusimaha Liibaan Madaxweyne oo Ceyr ah, waxaa kale oo jira $100/day oo uu amrey C/qaadir  Siidi, una amrey Taliyaha aaga Janaale ee Amisom

15. Awdheegle waxay u taalaa C/qaadir V Siidii, waxaana u jooga 25 maleeshiyo ah

16. Mareerey waa Tuulo u dhaxeysa Awdhegle & Afgooye, waxay u taal sarkaal katirsan Guutada 5-aad

17. Wadada Afgooye kasoo baxda soona aada Awdheegle waxay u taal Gudoomiyaha Degmada Afgooye C/laahi iideey.

18. Tuulada Bariire waxaa yaala isbaaro, waxayna u taal sarkaal Melitery ah oon weli magaciis helin lkn waa Abgaal.

Wadada Afgooye ilaa Wanleweyn:
Mukeyga afgoi, Tixsiile, Warmaxan, Wanleweyn, Yaqbiriweyne & Leego, waxaa kusoo kordhey:
#Xero-Shiino waa afaafka hore ee Belidoogle waxayna u taal sarkaal Melitery ah, Abgaalna ah.

#IIDOW JALAALWIINE waa meel u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbiriweyne, waxayn u taal Melitery.
#Cigala Hooley waa halka kukala egyihiin Gobolada Bay & Sh/hoose

Waxayna u taal Melitery

Wadada Xamar ilaa Afgoye: waxaa kusoo kordhey:
ex Jaamacada Beeraha, Lafole oo 2 isbaaro ah, Quraca Dhimbil, Xaawo Cabdi agteeda, iyo isbaarada Taraafikada Afgoi.

 

Daafeet.Com