Guddiga difaaca Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay kulan la qaatay taliyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi {Indha-qarshe} oo ay kala hadleen xaaladaha amniga ee gobolada ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise oo mar soo noqday wasiirkii gaashaandhigga ayaa sheegay in kulanka looga wada arrinsanayey ammaanka iyo waxqabadka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna Xuseen Carab intaasi ku daray in taliyaha ciidamada Qaranka ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshaha dib u dhiskooda.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isna warbaahinta u sheegay in Guddiga ay u gudbiyeen qorshahooda ciidamada ee tayeynta ciidamada, tirakoobka iyo tababarada, si sare loogu qaado awooddooda. isagoo.
Taliyuhu wuxuu ka codsaday Guddiga difaaca ee Baarlamaanka inay ka gacan siiyaan xuquuq siinta ciidamada ku naafoobay difaaca dalka.
Daafeet.Com