Dowlada Suudaan oo 5 Milyan oo Euro ugu deeqdey Dalka Somalia

0
52

SudanWasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan, Cali Karti ayaa shaaca ka qaaday in Suudaan ay ku yaboohday Soomaaliya shan milyan oo lacagta Yurub ah,isagoo lacagtaaso ku micneeyay hore ugu siiwadida hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Xukuumada Khartuum ayaa ka mid ah dowladaha caawiya Soomaaliya,waxayna horay gacan ugu geystay dib u dhiska Soomaaliya.

Mudane Cali Karti oo rajo wanaagsan ka muujinayay Soomaaliya inay dib ugu laabaneyso kal hore siday ahaan jirtay ayaa dhanka kale sheegay in garab istaaga Soomaaliya mar waliba ay ka go’an tahay,islamarkaana lagu xasuusto Sudan siinta ardayda Soomaaliyeed waxbarsho Jaamacadeed oo lacag la’aan ah sida uu hadalka u yiray.

“Waxaan tababarro siinnaa ciidamada booliiska Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka iyo waxbarashada dhinaca caafimaadka ah,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in marnaba aysan joojin doonin kaalmooyinka noocaas oo kale ah.

Dowlada Suudaan ee lacagta gaareysa shanta Milyan ku deeqday Soomaaliya ayaa qeyb ka ahyd dowladihii ka qeyb galay shirkii Deeq uruurinta Soomaaliya,waxaana kaga qeyb galay wasiirka arimaha dibada dalkaasi Maxamed Cali karti.

 

Daafeet.Com