Hay'ada xuquuqda Aadanaha oo ka walaacsan xadgudubka loo geysto Haweenka

0
47

huaWakaalada wararka ee AP ayaa qortey in deegaanada Maamulka Soomaaliland uu ka arimayo ay kusoo badanayan xadgudubyada loo geysnayo haweenka sida kufsiga.

Saraakiil ka tirsan xarumaha Caafimaadka iyo Kooxaha u dooda xaquuqda aadanaha ayaa si wadajir ah u sheegay in kooxo hubeysan oo ku hubeysan Aalada Tooreyda haweeney ka kaxeysteen wado ka mid ah kuwa hargeysa iyagoo ula dhaqaaqay dhismo ka agdhawaa goobta halkaasina ku soo kufsaday sida warbixinta lagu xaqiijiyay.

Dhibanaaysha ayaa la tilmaamayaa inay lagu weeraray guryaha,wadooyinka iyo meel waliba ay joogaan,iyadoo kooxaha kufsiga geysanaya ku sii badanayaann deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Hay’ada u dooda xaquuqda aadanaha ayaa ka codsaday Madaxda Maamulka inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka loo geysto haweenka carruurta u badan.

Daafeet.Com