Qaramada Midoobey oo maanta ku wareejisey somaliya maamulka hawada Somalia

0
61

ciil moogQaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya xukunka iyo maamulidda xudduudda hawada Soomaaliya oo 22-kii sano ee u dambeeyay ay maamuleysay hay’adda horumarinta mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa shaaciyay in xafiiska hay’adda duullimaadyada loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib kulan maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku dhex maray saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, hay’adda duullimaadyada caalamiga iyo xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Ciilmooge wuxuu sheegay inay tahay wax lagu farxo in dib magaalada Muqdisho looga howlgaliyo xafiiska hay’adda duullimaadyada Soomaaliya oo tan iyo 1996 laga maamulayay magaalada Nairobi, ayna ka howlgalayeen shaqaale u badan dadka shisheeye ah.

Wasiirka wuxuu intaas ku daray in diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya lagu canshuuri doono Muqdisho, halka markii hore lagu canshuuri jiray xafiiska Nairobi ku yaallay.

Daafeet.Com