Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Reyhanli ee dalka Turkiga ee ay ku dhinteen 43 qof, in ka badan 100 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa tacsi loogu diray qoysaska iy ehelada dadka ku waxyeelloobay qaraxyada, wuxuuna raysul wasaraha raysasho deg-deg ah u rajeeyay dhammaan dadkii ku dhaawacmay weerarka.
Raysul wasaare Shirdoon wuxuu midnimo u muujiyey dowladda Turkiga iyo shacabkeeda Wuxuu ugu yeeray bulshada caalamka inay ku midoobaan dagaalka lagula jiro argagaxisada si loo yareeyo khasaaraha soo gaaraya dadka rayid ah ee aan waxba galabsan.
Wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa fal aad u xun, wuxuuna rajo ka muujiyay in dambiilayaasha si deg-deg ah loo aqoonsan doono lana hor geyn doono caddaaladda.
Daafeet.Com