Deegaanka Goof-gaduud oo dhaca Koonfurta galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa xalay waxa ku dagaalamay ciidamada Dowladda oo taakuleyn ka helaya Amisom iyo Xarakada Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Ciidamda Dowlada ayaa sheegay in ay guul ka gaareen dagaalkii xalay isla markaana uu ahaa mid iyagu lagu soo qaaday waxa uu sidoo kalena sheegay in ciidamadoodu waa kuwa dowlada ee aanu wax khasaara ah kasoo gaarin halka kuwa Shabaabna uu sheegay inay deegaanka ku dileen 9 ruux oo rayid ah Labana dhaawaceen.
Dhanka kale war loogu talagalay Saxaafada oo ay soo saareen Shabaabka ayaa lagu sheegay in dagaalkii xalay ee Goofgaduud ay iyagu qaadeen isla markaana ay guul ka gaareen iyagoo sidoo kalena sheegay inay dagaalkaasi ku dileen 6 ka tirsan ciidamada Dowlada.
Sheegashada labada dhinac kasokow ayaa waxaa hadana jira warar madaxbanaan oo halkaasi laga helaayo kuwaasi oo sheegaya in dagaalka uu ahaa mid aad u kulul kuna bilowday weerar ay soo qaadeen Shabaabka iyo ciidamada deegaanka oo bilaabay iska caabin kolkii laga taagroonaadayna waxaa dagaalka soo galay ciidamada reer Afrika ee Amisom kuwaasi oo wajigii dagaalka bedelay in kasta oo aan xaqiiqa dhab ah laga hayn tirada dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ayaa waxaa hadana xaqiiqa ah in labada dhinacba ay ka dhinteen kana dhaawacmeen tiro ciidankooda ah.
Halkan ka dhegayso