Isbaaroolaydii oo lasoo baxay tabo cusub.

0
60

isbaaroKadib kolkii in badan oo ka mid warbaahinta madaxa banaan oo ay horkacayeen Daafeet.com iyo Wadajirradio Atlanta ay qaylo dhaan xoog leh ay ka muujiyeen Isbaarooyinka xad dhaaf ah oo ay gudaha gobolka Shabeelaha hoose soo dhigteen Shaqsiyaad Beeleed horay gobolka duulaan ugu yimid,koox sidata dharka ciidanka iyo saraakiishooda oo Dowlada haatan jirta ay u soo dirtay inay Shabaab ka xoreeyaan gobolka iyo Beesha madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaad moodaa in ay haatan ku baraarugeen sedexda mas’uul ee dalka haatan u sareeya khatarta ay dowladu uga imaankarto dhibta lagu hayo shacabka ku nool gobolka Shabeelaha hoose iyagoo dhanka kale baqdinweyn ka qaba in warkan ku saabsan Ciidamada dalka oo Shacab Isbaaraysanaya ay dowladooda haatan Imtixaanka ku jirto ay sumcad xumo kala soo dhaqaaqdo maxfalada caalamka.

Hadaba iyagoo ka duulaya arimahan aan kor ku soo sheegnay ayaa waxay talo ku qaateen in guud ahaan gobolka Shabeelaha hoose laga sifeeyo Jidgooyooyinka ay dhigteen sedexdan koox ee aynu kor ku soo sheegnay iyadoo loo adeegsanayo ciidamada reer Afrika ee AMISOM maadaama Ciidankii Xooga Dalku ay iyaguna qayb ka yihiin kuwa Isbaarada dhigtay xaalkuna uu gaaray.”Hadii Qoosaarka uu noqdo Waraabe yaa Xoolaha raacaya!!!”.

Dowlada oo cabsi ka qabta in tani ku noqoto Fadeexad sharafteedii awalba liidatay ay dhulka lagasho ayaa Axadii tagtay waxay howgal aan ugu magac darnay “Qowda maqashii waxna ha u qaban’ ka fulisay wadada isku xirta Afgooye iyo Marka.

Hawlgalkan ka dib ayaa waxaa iyana dhankooda tab cusub lasoo baxay Isbaaroolayda oo bilaabay inay sahan ka hormariyaan halka ay Isbaarada dhiganayaan ka dibna kolkii AMISOM uu sahankoodu arkana la xiriiraan goobtuna ay ka tagaan kolkii AMISOM halkaas ka gudubtana ku soo laabta.

Waa yaab aduun dad sheeganaaya inay yihiin Banu-Aadam,Muslin-nimo,Soomaalinimo iyo weliba Ciidankii u dhaartay badbaadinta dalka iyo dadka in AMISOM ay kala dagaasho inay dadkooda iyo dalkooda ka daayaan dhibaatayntana waa Cibaara aduun.