Burcad aad u hubeysan ayaa goor dhoweyd gudaha u galey xarunta Dahabshiil ey ku leedahay suuqa Bakaaraha halakaas oo ey doonayeen in ey dhac u geystaan
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa hareereyey xarunta shirkadda xawaaladda Dahabshiil ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho si ey u qabtaan burcad dhibta geysatey.
Is-rasaaseyn ayaa dhex martay ciidanka iyo burcadda ku jirta dhismaha shirkadda, iyadoo ciidanka ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan burcadda.
Lama oga in dad ay ku dhinteen ama ay ku dhaawacmeen is rasaaseynta dhex martay labada dhinac.
Daafeet.Com