Ra'isul Wasare Saacid oo gudi u magacaabey Jubooyinka

0
153

sacidRa’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa magacaabay guddi ka kooban ilaa 16 xubnood oo ka kala tirsan labada gole ee dowladda, kuwaasoo kasoo shaqeyn doona arimaha Jubooyinka iyo weliba sidii xal waara looga gaari lahaa.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxay kulamo la qaadan doonaan siyaasiyiinta maamulka KMG ee Kismaayo, odoyaasha dhaqanka,

waxgaradka iyo dhamaan dadka ay ka go’do talada Jubooyinka, waxayna kala hadli doonaan sidii xal looga gaari lahaa arimaha Jubooyinka, iyagoona sidoo kale u sharixi doonaa siyaasadda dowladda ee ku aadan Jubooyinka.

Xubnaha guddiga ee uu magacaabay ra’isul wasaare Saacid ayaa kala ah:

1. Mudane Cabdi Guhaad Jaamac Axmed (Oday) W/k/xigeenka arimaha gudaha, gudomiyaha gudiga.
2. Xildhibaan Xasan Macallim Max’uud
3. Xildhibaan C/laahi Yuusuf Xasan (Alankeey)
4. Xildhibaan Max’ed iidle Geedi
5. Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh
6. Xildhibaan C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey
7. Xildhibaan, Cabdi-waaxid Cabdullaahi Jaamac
8. Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil
9. Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin
10. Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan
11. Xildhibaan, Luuley Cabdi Aadan -Xubin
12. Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan
13. Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure
14. Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil –
15. Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan – Xubin
16. Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi – Xiriiriye
Daafeet.Com