Dowladda Canada ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqday inay soo celineyso xiriirkii diblomaasi ee ay laheyd Soomaaliya, kaddib in ka badan 20 sano oo xiriirka labada dal uu ahaa mid aan fiicneyn.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada John Baird ayaa ku dhawaaqistan ka sameeyay kulan shalay uu magaalada Nairobi kula qaatay Augustine Mahiga, ergeyga gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Dowladda Canada waxay war qoraal ah ku sheegtay in David Angell, oo ah danjiraha Canada u fadhiya dalka Kenya sidoo kale loo magacaabi doono danjiraha Canada u qaabilsan Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Canada John Baird iyo Mahiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarka siyaasadda ee ka dhacay Soomaaliya sanadkii tegay iyo yagleelidda dowladda cusub oo ay ku tilmaameen in ay tahay “mid loo dhan yahay oo mas’uul ka ah masiirka ummadda Soomaaliyeed’.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso marxalado adag ayna u baahnaan doonto taageerada beesha caalamka.
Daafeet.Com