Xoghaya Ururka AhluSunnada Koonfureed oo sheegay in Jubooyinka oo dhami yihiin dhul Digil iyo Mirifle

0
77

ahlusunaSheekh Isaaq Mursal (Geesdheere) Xoghaya Ururka AhluSunna ee gobolada Koonfureed ayaa sheegay shirka ka soconaya magaalada Kismaayo inuu yahay mid aysan u dhamayn beelihii asal ahaan ee dagi jiray deeganada maamulka goboleedka loo samaynayo.

Xoghaya Ururka AhluSunna ee gobolada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi ay ka maqanyihiin Beelaha Digil iyo Mirifle ee Asal ahaan lahaa dhulkaas maantana ay leeyihiin maamul u samaynta deeganadaasi.

Halka Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale) uu shaaciyay inuu yahay Madaxwaynaha Maamulka waxa l;oogu yeero Jufoland.

Sidoo kale ayaa isna Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) sheegay in kulan ka dhacay Jaamacada Kismaayo loogu doortay Madaxweynaha Jufoland ee shanta sano ee soo socota.

Sheegashada labadan nin ee madaxeyne-nimada Jufoland ayaa imaanaysa xili Dowladu ay dadaal ugu jirto in Koox beeleedka ku shirsan Kismaayo ee Kenya dabada ka riixayso laga qabto dadka degan Jubooyinka.

Dhanka kale Ra’isulwasaare Shirdoon ayaa magacaabay gudo heer Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo loo xilsaaray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta Jubbooyinka waxayna ay kala yihiin sidan;
Xildhibaan, Cabdiweli Sh Ibraahin Muudey – Xubin
Xildhibaan, Xasan Macalin Maxamuud – Xubin
Xildhibaan, Maxamed Iidle Geeddi (Xerow) – Xubin
Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan – Xubin
Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure – Xubin
Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil – Xubin
Xildhibaan, Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey) – Xubin
Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan – Xubin
Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh – Xubin
Xildhibaan, Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac – Xubin
Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Xubin
Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin – Xubin
Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan – Xubin
Xildhibaan, Luuley Cabdi Aaadan -Xubin
Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi – Xiriiriye …………… DHAMAAD.

Talaabooyinkan iska soo horjeedo ee colaad hurinta ku salaysan ayaa waqtiwalba waxaa laga filan karaa inay gacan ka hadal isu bedesho hadii taasi ay dhacdana dhiiga ku daata gudaha gobolada Jubooyinku waxaa mas’uuliyadiisa yeelan doonta Dowlada Soomaaliya oo iyadu in badan iska Indha tirtay Dabka laga hurinayay magaalada Kismaayo ee ay garwadeenka ka ahaayeen haraadigii Islaamiyiinta mintidka ahaa ee burburay Xisbul Islaam iyo Qabqablayaashii dagaalka ee laga itaalka roonaaday.

Halkan ka dhegayso

ahlusuna