Bare Hiiraale in shacabka Kismaanyo ey asaga u doorteen Madaxweynaha Jubaland

0
44

hiiraaleShaley ayey eheyd kolkii ay mar qura Magaalada Kismaayo ay kaga kala dhawaaqeen inay mid waliba uu Madaxweyne yahay Barre Aadan Shire Barre Hiiraale iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Barre Hiiraale wuxuu ka hadlay cida dooratay.

Barre Hiiraale ayaa sheegay in shacabka Magaalada Kismaayo ay u doorteen Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee mudada afarta sano ee soo socota ah.

Wuxuu sheegay inuu ku yimid doorasho shacab,iyo shirar muddo soo socday iminkana uu yahay Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee afarta sano ee soo socota.

Si kastaba arintu ha ahaatee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan xaalad jahwareer ah iyadoo Dowladda Soomaaliya shalay ay u magacawday guddi ka kooban labada Gole ee Dowladda oo ka shaqeeya arimaha Jubbooyinka.

Daafeet.Com