Sheikh Xasan Dahir AWeys ayaa sheegay in uu jiro khilaaf ka dhex jira mas’uuliyiinta Ururka Al Shabaab, waxa uuna ka gaabsaday in uu carabaabo cida sida rasmiga ah uu uga dhaxeeyo khilaafka, isagoona sheegay in uu khilaafka qeyb ka yahay arinta Abu Mansuur Al Amriki oo mudooyinkii dambe la hadal hayey.
Sheikh Xassan Daahir Aweys ayaa sidoo kale sheegay in uu nool yahay Abu Mansuur Al Amriki hayeeshee lagu daba jooga, waxa uuna tilmaamay in Al Amriki mar la dhaawacay imikana la isku dayayo in la dilo, isagoona arintaasi ku sheegay in ay tahay sababta keentay khilaafka ka dhex jira mas’uuliyiinta Ururka Al Shabaab, dhankooda ayuu tilmaamay in ay kasoo horjeedaan beegsiga Abu Mansuur Al Amriki.
Xassan Daahir oo soo hadal qaaday shirkii arimaha Soomaalida ee London ayaa sheegay in shir Soomaali loogu daneynayey uusan aheyn balse dowlada Britain ay u jeed gaar ah ka laheyd, waxa uuna tilmaamay in dowlada Britain ay ayadu mar hore kala qeybisay Soomaaliya, hadana ay tii uun daba socoto.
Khilaafkan u dhexeeya Alshabab ayaa ah mid in mudo soo jiidmayey kaasoo ay mar waliba ka gaabsadaan masuuliyiinta ugu sareysa alshab in ey ka hadlaan cida uu u dhexeeyo khilaafsan iyo sida ey u kala qeybsan yihiin.
Daafeet.Com