Wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo in ay xaqiijiyaan amniga magaalada kadib maamullo iska soo hor-jeeda oo magaalada looga dhawaaqay.
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo amniga, isla markaana lasii wado dagaalka looga sifeynayo maleeshiyada Shabaab goobaha ay kaga harsan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka magaalada in ay ka qeyb qaataan sidii loo adkeyn lahaa xasilloonida magaalada isla markaana garab ugu siin lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xaqiijinta amniga.
Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan wax walba colaad iyo amni daro sababi karo, wuxuuna muujiyey dowladda ay ka go’an tahay laga shaqeeyo sidii loo meel marin lahaa is faham iyo wada noolaansho dhexmarta dadka gobolada Jubbooyinka.
Daafeet.Com