Maamulka Ahlusuna ee Gobolka Gedo oo sheegey iney dileen 12 ka mid Alshabab

0
62

ahlusunaMaamulka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal shalay galinkii dambe ka dhacay agagaarka deegaanka Tuulo-Barwaaqo ee gobolka ay maleeshiyada al-Shabaab kaga dileen 12 ruux oo ay ku jiraan laba horjooge.

Afhayeenka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (al-Qaaddi) ayaa sheegay in horjoogeyaasha dagaalka lagu dilay uu midi ahaa ajnabi, halka kan kale oo uu xusay inuu Soomaali ahaa ay meydkiisa qoorta ka jareen, si aan loo aqoonsan.

Waxaa uu tilmaamay in sidoo kale ay ka qabsadeen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka, isagoo intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab.

Ma aha markii ugu horey oo ey Ahlusuna iyo Alshabab ku dagaalamaan deegaanka ayagoo marar badan ay kala sheegteen iney guulo kala gaareen balse eysan jirin xog dhab ah ee halkaasi laga helaayo.

Daafeet.Com