Qurbo joogta Digil oo ka jawaabtey gudiga uu sameeyey Shariif Maxamed

0
123

phoneShaley gelinkii dambe aya qadka telfoonka waxaa kula ku yeeshey odayaal iyo indheer garad kasoo jeeda beelaha digil kaasoo dirada lagu saarayey kulamo beryahan ey yeelanayeen xildhibaada digil iyo mirifle oo ku aadan Moshinka la hor geeyey barlamanka.

Kulanka ayaa waxaa ay diirada lagu sarayey gudi uu soo magacaabey Mudane Shariif Maxamed Abdullahi oo ey xubnaha barlamanka digil iyo mirifle u doorteen inuu soo xulo gudi la fariista madaxda sar sare ee dowlada kalana hadla waxa ey tabanayaan digil iyo mirifle.

Waxaa kaloo dhaleeceyn ey usoo jeediyeen Mudane Shariif Maxamed Abdullahi  oo isaga soo xuley gudi ka kooban 15 xubnood kuwaas oo uu kusoo xuley 5 Sagaal ah 5 Sideed ah iyo 5 digil ah, Wexeyna u sheegeen in laga gudbey xiligii Qeybi oo Xukun loona gudbey xili dadka ey wax u smayestaan iskuduubni iyo isu gargaar.

Wexeyna sheegeen in h ada laga gudbey xiligii la gooba goobeyn jirey digil iyo mirifle si loogu gaaro danta gaar ahaaneed wexey uga digeen in asaga iyo kuwa kale ee aminsan fikradaas ay ka waantoobaan danta guudna ka shaqeeyaan si ey u yaraato tafaraaqua heysta digil iyo mirifle.

Gabagadii kulanka ayaa waxaa kasoo baxa baaq ku ku wajahan masuuliyiinta digil iyo mirifle:

1- maadama Moshinku uu ku saleysan yahay sad bursi lagu hayo digil iyo mirifle in kooxaha hormuudka u ah digil iyo mirifle ey ka waantoobaan sad bursiga ey ku hayaan Digil

2- In laga ilaaliyo maamulka dadka jecel in mar walba ey kala gooyaan digil iyo mirifle ayagoo ku fushanaaya danahooda gaar ahaaneed.

3- in awood qeybsiga digil iyo mirifle uu noqdaa mid ku saleysan xaq iyo cadaalad maadaama eynu dhamaanteen raadineyno cadaalad.

4- In laga gudbo awood qeybsiga ku saleysan Sagaal iyo Sideed iyo digil maadama eynu nahay digil iyo mirifle loona gudbo nidaamka awood qeysiga cadaalada ku saleysan.

5- Qolooyinka caado qaatada ee mar walba hor booda digilkana ey waxoogaa dib u fariistaan eegaana danta guud kana gudbaan mid gaarka ah ee ay mar walba doonayaaniney helaan.

Daafeet.Com