Wafdigii ka socday urur-goboleedka Igad ee ku sugnaa Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka billaabi doonaan howl ay ku indho-indheynayaan xaaladda ka jirta magaaladaas.
Wafdigan oo ah guddi xaqiiqo-raadin ayaa waxaa hoggaaminaya xoghayaha guud ee IGAD, Inj. Maxbuub Macallin, waxayna Muqdisho kulammo kula qaateen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Xubnaha wafdigan ayaa la sheegay in marka ay Kismaayo tagaan ay kula kulmi doonaan waxgarada deegaanka, iyagoo sidoo kalena kulammo la yeelan doona siyaasiyiinta degmadaas.
Guddigan oo looga dhawaaqay shirkii horraantii bishan ay madaxda IGAD ku yeesheen Addis Ababa ayaa waxay si aad ah ugu kuurgeli doonaan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta Soomaaliya si ay warbixin ugu gudbiyaan madaxda IGAD oo bishan dhammaadkeeda mar kale ku kulmi doona Addis Ababa.
Daafeet.Com