Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxay kulan hal saac qaatay kula yeesheen Axmed Madoobe iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo saxiixayaasha maamulka Jubbaland.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qodobbada ay uga wada hadleen kulanka, hase ahaatee wafdiga IGAD ayaa qiimeyn wuxuu ku sameynayaa sida ay u dhacday doorashada madaxtinnimo ee Jubbaland iyo xaaladda ka jirta magaalada Kismaayo .
Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan xarunta jaamacadda Kismaayo iyagoo halkaas kula kulmi doona ergooyinka dhisay maamulka Jubbaland iyo qeybaha bulshada.
Daafeet.Com