Warbixin ay ka diyaarisay BBC-da ayaa lagu sheegay in ka badan 1000 dhalinyaro oo soomali ah ey ku xiran yihiin yihiin xabsiyada caalamka kuwaasoo loo heysto falal Burcad Badeedbnimo ah.
Xabsiyada ay ku jiraan raga burcad badeeda ku eedeysan ayaa waxaa ka mid ah xabsiyo ku yaala wadanka Jaziirada Siishalis, Xabsiyadaas oo ku yaala sida la sheegey Buuraha hoostooda.
Xabsiyada ay ku xiran yihiin burcad badeeda Soomaalida ee ku yaala dalka Shiishalis ayaa waxaa maalgiliyay Qaramada Midoobay,iyadoo ugu tala gashay in lagu dhaqan celiyo dhalinta u bareertay Qatarta badda,islamarkaana qafaalanaya maraakiibta shisheeye.
66-Qof oo ku jira xabsiyada qarsoon ee dalka Sychelles ayaa la tilmaamayaa inay sugayaan Saarista Maxkamad ku aadan Eedeyntooda Burcad badeednimo,iyadoo sidoo kale lagu Muran san yahay in dib loogu soo celiyo dalkooda si loogu Maxkamadeeyo iyo in halkaasi lagu Maxkamadeeyo.
Dadkaan ku xiran xabsiyada qarsoon ee dalkaasi ayaa isku dayaya sida la sheegay inay afduubtaan Maraakiib shixnado kala duwan siday oo marayay marin biyoodka Mashquulka badan ee Soomaaliya.
Daafeet.Com