Waxaa magaaladda Melbourne, Australia lagu qabtay shir oo ka soo qayb galeen guddiga maamulka jaaliyadda Digil-Mirfle ee Soomaaliya , culumau-diinka haweenka, aqoonyahanda, wax-garadka, , dhalinyarada iyo waayeelka. Shirka oo looga hadlay ku dhawaaqida dowladd ku sheega ee Jubaland.
Jaaliyadda Digil-Mirfle Soomaaliya ee Australia, waxay si wadajir ugu soo horjeednaa ku dhawaaqida dowladd ku sheega ee Jubaland.
Jaaliyaddu waxay u aragtaa: –
· Waa arrin ka dambeeyaan shaqsiyaad dano gaaar leh oo una adeegayaan dowladd shisheeya ah.
· Waa arrin aan waafiqsanayn sharciga iyo nidaamka dowligga, taas oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aan aqoonsanayn.
· Waa dhismo maamul oo aan loo wada dhameen lagu soo dhisay xukun jaceel, dano gaar ah, sad-bursi iyo awood military.
· Rabitaanka dadwaynaha laguma soo dhisin, iyadoo loo kaashaday mileeshiya qabiileed iyo ciidamo shisheeya, taas oo ka dhan ah sharciga iyo kala-dambaynta ee dowladdnimo.
· Waa arrin khatar wayn galin karto nabadgalyada, deganaashaha iyo xisiloonida gobolkaas, iyo guud ahaan dalka.
Hadabba, waxaan ku baaqaynaa: –
1. Axmed Midowe iyo kooxdiisa in ay ka fiirsadaan, ka noqdaan falka dambiyeedka ay ku kaceen.
2. Waxaan taageeraynaa go’aanka dowladda JDS oo aqoonsanin dhismaha dowladd goboleedka Jubaland.
3. Dowladdaha shisheeye iyo IGAD waa in aye faraha kala baxaan arrimaha gobolkaas.
4. Dowladd Soomaaliya in ay talaabo deg-deg ah ka qaado dhismaha dowladd ku sheeeg ee Jubaland.
5. In sharciga la horkeeno dadka ka dambeeya fal dambiyeedka laga galay dalka.
Jaaliyadda Digil-Mirfle Soomaaliya ee Australia waxay si wadahir u taageeraysaa gogasha Baydhabo lagu soo dhisayo dowladd goboleedka koonfurta Soomaaliya oo ka kooban 6 gobol (Bay, Jubada Hoose, Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo iyo Bakool).
Aweys
Melbourne, Australia.