Wafdigii ka socday urur goboleedka IGAD ee shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo gooni gooni ah gudaha magaalada Kismaayo kula leh siyaasiyiinta iyo odoyaasha beelaha dega Jubooyinka.
Wafdigan ayaa shalay markii uu kasoo dagay garoonka Kismaayo wuxuu halkaasi kulan ay ilbaabada u xiranyihiin kula qaatay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan loo doortay madaxweeynaha Jubbaland iyo ku xigeenkiisa Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Intaas kadib ayuu wafdigu booqday xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaasoo ay ku jireen qaar ka tirsan odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, waxayna halkaasi kula qaateen kulan ay ilbaabada u xiranyihiin.
Wafdiga ayaa maanta waxay Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo kulan kula leeyihiin Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo isna dhawaan loo doortay madaxweeynaha Jubbaland iyo guddigii ka socday dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Kismaayo.
Ilaa imika lama garanayo waxyaalaha ay kawada hadlayaan, waxaana kulamada uu wafdigani la qaadanayo siyaasiyiinta iyo waxgaradka Jubooyinka ay yihiin kuwo ay saxaafaddu dibad joog ka tahay.
Daafeet.Com