Dagaal xoogan oo la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kale gedisan ayaa fiidnimadii xaley waxaa uu ka dhacay Deegaanka Fafaxdhuun oo ka tirsan Gobolka Gedo,iyadoo dagaalkaasina la sheegayo in uu geystey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka oo ahaa Weerar deegaanka ay ku soo qaadeen xarakada Alshabaab,gaar ahaan fariisimaha Faafaxdhuun ay ku leeyihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ayey wararku sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhinaca kale Magaalada garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa manta laga qaybiyay Mushaaraadka ciidanka Dowlada ee ku sugan degmooyinka Gobolka Gedo,iyadoo Askari kastaa oo ka tirsan Ciidamadana la siiyey mushaaraad dhan ilaa labo Bilood.
Bixinta Mushaaradkani oo shaley laga Bilaabay Magaalada Garbahaarey ,socona doonta mudo labo maalin ah ayaa waxaa bixinayay Saraakil ka soocota Dowlada Mareykanka iyo kuwa Soomaali ah oo shaley soo gaarey Garbahaarey, waxaana mushaar qaybintaasi ka faidaystay Askar lagu qiyaasay ilaa 1650 Askari waxaana askari walba la siyay 200 oo dollarka mareykanka ah sida uu Warbaahinta u Xaqiijiyey G/dhexe Khaliif Goobe oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka.
Halkan ka Dhegayso
Dagaal ka dhaca Faafaxdhuun iyo mushaaraad la qeybiyey