Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo oo Sheegay in ay ka soo horjeedaan Is Magacaabida Axmed Madoobe ee Jubboland

0
45
kaliilMas,uuliyiiinta ugu sareysa Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay si weyn uga soo horjeedan waxa ka soconaya Magaalada Kismaayo ee ah Maamul Gobleedka Jubboland ee ay isku magacaabeen Axmed Madoobe ee jubboland,iyagoo sheegayna arinkaasi oo ah mid aan loo dhameyn in ay ka dhalan karto Cawaaqib xumo.
Hadalkani ayaa waxaa uu so baxay xilli Maalinimadii shaley kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen Mas,uuliyiinta Dowlada ee Gobolka Gedo magaalada Garbahaarey ,loogana hadlayey xaaladaha cakiran ee ka soo cusbonaadey Jubbooyinka ayaa gebagebadii kulanka waxaa laga soo saarey War murtiyeed ku aadan sida masa,uuliyiinta Gobolka Gedo ayan raaliga uga ahayn waxa ka soconaya Magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha Maamulka Dowlada Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo gebagebadii kulanka shir Jaraa,id u qabtey Warbaahinta ayaa sheegay Kismaayo arimaha ka socda in ay horey uga hadleen,islamarkaana waxa ka dhacayna ayan ahayn kuwo sharci ah,isagoo sheegayna Gobolka Gedo shacabkiisana in ayan raali ka ahayn waxa ka dhacay Kismaayo,waxaana u aragnaa shaqsiyaad is magacaabay.
Kaliil ayaa sheegay waxa ka soconaya Kismayo in ayan waafaqsaneen Dastuurka,waxaana dhibaatada ka taagan Jubbooyinka ku eedeeyey Dowlada Kenya oo uu sheegay in ay la safan tahay kooxda Axmed Madoobe,islamarkaana ay dooneyso in uu dadka ku xukumo si qasab ah ,isagoona uga digey Kenya in ay fara kala baxdo arimaha Jubbooyinka,islamarkaana ay dhex dhexaad ka ahaato.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxa uu Imaanayaa Xilli Xukuumadda Soomaaliya ay Walaac Ka Muujineyso Xaalada Kacsan ee Ka Jirta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubada Hoose.
Halkan ka dhegayso
Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo