Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo hadal jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Shacabka waqooyiga Soomaaliya ay iska ilaawaan wixii dhacay ayna midnimo cusub la samaystaan Soomaaliya inteeda kale si loo gaaro mustaqbal horumar leh.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo khudbad ku aadan 22 guuradii kasoo wareegtay ka laabashada dalkiisa midnimadii uu la lahaa Soomaaliya inteeda kale ayaa waxa uu sheegay inay si naba u ilaabi doonin dhibtii loo gaystay mudadii ay jirtay midnimada Koonfur iyo Waqooyi waa sida uu hadalka u dhigay.
Warbixin khudbadahaas ku saabsan waxaa inoo soo diray wariyeheena Muqdisho.
Halkan ka dhegayso.