Wafdigii ka socdey Urur Goboleedka IGAD oo ka Ambabaxay Kismaayo

0
43

igadoXubno ka tirsan Urur Goboleedka IGAD oo Booqasho xaqiiqo raadin ah maalmahii ugu dambeeyey ku marayey magaalada Kismaayo iyo Muqdiso ayaa maanta waxay ka duuleen garoonka diyaaradaha kismaayo,ka dib markii ay kulamo kala gedisan magaalada kismaayo ay kula yeesheen Dhinacyada ku loolamaya Siyaasada Gobolada Jubbooyinka ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

 

Sidoo kalena kismaayo waxaa maalmahii ugu dambeeyey ku sugnaa wafdi ka socdey Dowlada Soomaaliya oo iyagana halkaasi u tagey dhex dhexaadinta dhinacyada isku haya Kismaayo,mana jiraan ilaa iyo hadda horomar gudigaasi uu ka gaarey waxyaabahii uu halkaasi u tagey.

 

farxaan Cali maxamed oo ka mid ah Ergooyinkii ka qeyb galey shirarkii ka soconayey Magaalada Kismaayo oo u waramayey Warbaahinta ayaa sheegay Gudiga in ay la kulmeen labada dhinac ee isku haya siyaada Jubbooyinka,isagoona sheegay inaysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Gudigii ka socdey IGAD.

 

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma oga natiijooyinka ka soo baxay kulamada Wafdiga IGAD ay la qaateen Qeybahii ay kula kulmeen magaalada Kismaayo,balse dad Xog ogaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa Saxaafada u sheegay Wafdiga xaqiiqo raadinta waxii ay ku arkeen kismaayo in ay u bandhigi doonaan shirka Madaxda Urur goboleedka IGAD oo la filayo dabayaaqada bishan ee ka dhici doona Magaalada Adis Ababa.

 

Imaanshaha wafdiga IGAD ee Kismaayo ayaa ku soo aadaya xilli ilaa afar shaqsi ay ku dhawaaqeen in ay yihiin Madaxweynayaasha Maamulka Jubboland,iyadoo xiisada ka taagan kismaayana saacad kastaaba laga filan karo dagaalo.

Halkan ka dhegayso

Wararkii ugu dambeeyey Wafdigii IGAD ee gaarey Kismaayo