Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo sidoo kale taageerida maamulka Jubbaland ee Kismaayo looga dhawaaqay.
Faroole ayaa sheegay in dalka Soomaaliya waxa dastuur loogu sameeyay ay tahay inay ka dhisanto Dowlad Federaal ah islamarkaana maamul Gobaleedyada ay ka dhismayaan dalka sidaasina Soomaaliya ay ku dhismayso.
Wuxuu sheegay in Maamulka Jubbaland uu hada dhismay Baay iyo Bakoolna maamul laga dhisayo Soomaaliyana sidaasi ay ku soconayso oo ay ku dhismayo cidii diidana iyadaa is og ayuu yiri Faroole.
Dhamaan Maamulada Gobalada dalka Soomaaliya ka jira ayaa wuxuu sheegay in Dowladda dhexe ee dalka looga baahan yahay inay taageerto sida uu qabo Dastuurka dalka u yaala.
Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in hadii aan lasoo dhaweyn maamul Gobaleedyada dalka Dowladda federal ah inaysan jirin ayuu macnaheeda ku sheegay.
Si kastaba arintu ha ahaatee halka uu madaxweynaha maamul goboleedka puntland uu ka yiri Baay iyo Bakoolna maamul aya laga sameynayaa balse waxaa uusan sheegin in maamulka laga sameynayo Baay iyo Bakool uu yahay mid ku saleysan 6 Gobol kuwaas oo kala ah Bay, Bakool, Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, iyo Gobolka Shabealaha hoose taas oo beryahan dambe ayana dar dar xoog leh ku socota.
Daafeet.Com