Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya u magacowday Gobolka Baay ayaa la sheegay in xal laga gaaray kaddib dadaal xooggan oo odayaasha dhaqanka ay u galeen sidii loo af-jari lahaa khilaafka.
Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka ayaa sheegay inay ku guuleysteen xal ka gaaridda khilaafka maamulka soo kala dhex galay, isagoo xusay in dhinacyadii is khilaafsanaa ay haatan heshiis yihiin.
Khilaafka ayaa soo ifbaxay kaddib markii guddoomiye ku xigeenka gobolka Baay, Mustaf Ibraahim cali (Masuuse) uu warbaahinta ka sheegay in uusan jirin wax wada shaqeyn ah oo u dhaxeeya maamulka gobolka, kan degmooyinka iyo guddoomiyaha gobolka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii February ee sanadkan maamul ku-meel-gaar ah oo lix bilood shaqeynaya u magacowday gobolka Baay, iyadoo labo bilood oo kaliya ay ka harsan tahay muddada loo qabtay in uu shaqeeyo maamulka.
Daafeet.Com