Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey

0
50

xildhinaadaXildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ka laabteen go’aankaas, iyagoo xusay inay u tanaasuleen danta dalka, dadka iyo diinta Islaamka oo ay u dhaarteen inay ilaalinayaan.

Mudanayaashan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ka baqeen in xukuumadda hadda jirta mid ka xun ay timaaddo, sidaa awgeedna ay go’aansadeen inay dib uga laabtaan go’aankooda.

Xildhibaannada ka laabtay go’aankoodii ay kaga mid noqdeen mooshinka laga geeyay xukuumadda ayaa waxaa ka mid ah: xlidihbaan Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaanad Qadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

“Baarlamaanku xaq ayuu u leeyahay inuu xukuumadda la xisaabtamo, balse taasi macnaheedu ma ahan in la burburiyo wax walba, waxaan nahay xubno dadaal ugu jira dib u dhiska dalkooda iyo nabadeyntiisa, waana taas midda keentay inaan go’aankeennii ka laabanno,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.

Mudanayaashii goobta ka hadlay ayaa dhammaantood sheegay inay dhaliil iyo cabasho kaga timdi shacabka Soomaaliyeed taasna ay qayb weyn ka tahay sababta keentay inay dib uga laabtaan go’aankoodii ay kaga midka ahaayeen mooshinka.

Daafeet.Com