Ra'iisul wasaaraha Dalka Somaliya oo maanta la kulmey Wakiilka Midowga Africa u qabilsan Somaliya

0
46

AU_&_Somalia_1Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadif iyo saraakiisha sar-sare ee AMISOM.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayey arrimaha amniga iyo horumarka ay ka gaareen ciidmada dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM, sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Wakiilka Midoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga go’an tahay ururka Midowga Afrika sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa in Soomaaliya oo nabad ah la arko.

“Midowga Afrika waxay u dabaal-dagayaan 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay, waxaana Muqdisho u imid inaan dadka Soomaaliya kala qayb-qaato dabaal-dagga ururka. Maalinta berri ah waxaa Muqdisho lagu qaban doonaa xaflad balaaran oo loogu dabaal-degayo Midowga Afrika,” ayuu yiri dajire Anaadif.

Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa 25-ka bishan waxaa ka dhici kulan ay yeelanayaan madaxweynayaasha dalalka Afrika, kaasoo ay ugu dabbaal-degi doonaan 50-guuradii kasoo wareegtay markii la asaasay ururka.

Daafeet.Com