Xildhibaano qaarkood oo weli ku haminaaya in ey meel mariyaan Mooshinka ka dhanka ah Dowlada

0
40

mooshinXildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay inuusan marnaba ka tanaasuleyn go’aanka ah mooshinka ay ka gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil ayaa sheegay in marnaba aysan ka tanaasuleyn mooshinkooda hadii ay guuleestaan oo ay ridaan xukuumadda iyo hadii aysan ridinba intaba ay tahay shaqo qaran oo ay qabteen.

Wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya in lagu tilmaamo miino aase ay tahay arin laga xumaado,cida arintaasi ka dambeysana ay yihiin kuwa qaran dumis ah oo kasoo horjeedo hanaanka Dowladdnimo.

Shalay banaanbax ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa dadkii dibadbaxa dhigaye qaarkood waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin “Mooshin keene iyo miino aase waa isku keen mid” banaanbaxaas ayaan la ogeyn cida rasmi ahaan soo qaban qaabisay marka laga soo tago shacab goobta ku sugnaa.

Si kastaba arintu ha ahaatee arimahan ku saabsan mooshinka aad moodaa iney eheyn wax sidaa usii adag qaarkoodna ku saleysnaa caatifo qaana ku saleysnaa siyaasado la xiriira Jubaland balse sida muuqato inta badan laga hishiiyey lana filaayo in uu ku dhamaado jawi wanaagsan.

Daafeet.Com