Xildhibanada Barlamanka oo maanta ka doodi doona Moshinkii dhawaan la horgeeyey Barlamanka

0
52

barlamanXildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ey ka doodaan mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya kaasoo dhawaan la horgeeyay baarlamaanka, inkastoo xubno ka mid ah kuwii saxiixay ay sheegeen inay ka la laabteen go’aankooda.

Doodda baarlamaanka ayaa waxay u badnaan doontaa ka hadalka wixii u qabsoomay xukuumadda Soomaaliya muddadii ay jirtay, iyadoo kulankan maanta uu yahay mid k duwan kulammadii hore ee baarlamaanka.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa u muuqda kuwo ku qaybsan mooshinka laga keenay xukuumadda iyadoo xildhibaannadii mooshinka keenay lagu wado inay kulanka ka faahfaahiyaan dhaliilaha ay xukuumadda u soo jeedinayaa halka, xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinkana ay ka hadli doonaan aragtidooda.

Kulankan ayaa noqon doona kii ugu xasaasisanaa ee baarlamaanka Soomaaliya uu yeesho, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo weli kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ku aaddan mooshinka ka yaalla golaha baarlamaanka.

Daafeet.Com