Xildhibanada barlamanka oo mar kale Kalsoonida siiyey Xukuumada Mooshinkiina daaqada ka saarey

0
44

xildhinaadaXildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida uu ka sheegay fadhigii maanta ee baarlamaanka guddoomiyaha baarlamaanka Somaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 200 xildhibaan ajadahiisaa uu ahaa in laga doodo mooshinkii ay xukuumadda ka keentay ayaa la joojiyay, kaddib markii uu guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in mooshinkaas laga laabtay.

“Mudanayaal badan ayaa warqado ii keenay, kuwaasoo ay ku sheegayeen in ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen xukuumadda, waxaana xubnaha soo haray ay noqdeen 38-xubnood taasna taasoo ka dhigaysa mooshinka mid aan sharci ahayn,” ayuu yiri Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) oo ahaa shir-guddoonkii kulankii baarlamaanka ee maanta.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannadu ay kalsoonidooda mar kale siiyeen xukuumadda Soomaaliya ayna noqonayso in ay howsheeda sii wadato, isagoo xukuumadda ugu baaqay inay howlaheeda sii wadato ayna saxdo eedeymihii horay loogu soo jeediyay.

Tallaabaadan ayaa waxay noqonaysaa in xukuumadda Soomaaliya oo muddo lix bilood ah shaqeynaysay ay howsheeda sii wado, waxaana xildhibaanadii ka laabtay mooshinka ay sheegeen inay u arkeen mooshinkan inuu carqalad ku yahay howlaha dowladda Soomaaliya.

Daafeet.Com