Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka keeneen Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale u hambalyeynta Ururka Midowga Afrika oo maanta ku beegan 50-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magalada muqdisho.
Banaanbax oo ey soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobalka Banaadir waxaana kasoo qeybgalay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Gobalka Banaadir qaarkood.
Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ujeedka banaanbaxa ay tahay in lagu muujiyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan dib uga noqoshada go’aankii Xildhibaanada ay dib ugula noqdeen mooshinkii ay ka keeneen Xildhibaanada.
Wuxuu sheegay in sidoo kale hambalyo loo dirayo Ururka Midowga Afrika oo maanta udabaaldagaya 50-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Maamulka Gobalka Banaadir Warsame Joodax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dar-daarmay inaysan dib u noqon oo marwaliba ay ka fekeraan horumarada jira iyo sidii horay loogu sii socon lahaa.
Daafeet.Com