Ciidamo Sierra Leone ah oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Qeyb ka mid ah ciidanka maanta gaaray Dhoobley ayaa u gudbay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna ku wajahan yihiin degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo kooxda al-Shabaab ay gacanta ku hayso.
Lama shaacin tirada ciidanka Sierra Leone ka socda ee maanta gaaray gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka Sierra Leone oo ka kooban 850 askari ayaa la dejin doonaa gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, doorkooda u weyn wuxuu noqon doonaa caawinta sidii loo soo celin lahaa xasiloonida iyo kala dambeynta gobolladaas.
Daafeet.Com