Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ururuka Midowga Afirka oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhawaan shirka ururka Midowga Afrika lagu qabto magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaliya ay kaalin weyn ku lahayd dhismaha ururka Midowga Afrika xilligaas oo ay xor ahaayeen 32 dowladood oo ka tirsan qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku taallo xaafad lagu magacaabo Afrikaan Village oo loo dhisay madaxdii Midowga Afrika oo shirk u yeeshay toddobaatameeyadii magaalada Muqdisho, waxaana rajeynaynaa in dhawaan halkaas lagu qaban doono shirka Midowga Afrika,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xaafaddaas oo caan ah ay horay u qabsadeen Al-shabaab, balse cidiamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay ku guuleysteen inay ka saaraan, taasna ay guul u tahay Soomaaliya iyo Qaaradda oo dhan.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax ka socday Midowga Yurub, saraakiil ka socday dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo dadweyne fara badan oo lagu casuumay.
Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay ergayga Midowga Afirka ee Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadiif oo sheegay in xafladda lagu qabtay Muqdisho ay tilmaan cad u tahay in horumar muuqda laga gaaray nabadda caasimadda Soomaaliya, goobaha kale harsanna dhawaan laga saari doono Al-shabaab si dalka oo dhan nabad loogu dabaalo.
Xafladda lagu xusayay 50-sano guuradii kasoo wareegay ururka Midowga Afrika ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo lagu qabto Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo ammaanka goobta ay xafladdu ka dhacaysay ay si aad u adkeeyeen ciidamada AMISOM.
Daafeet.Com