Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
Cabdiraxman Xuseen Jaamac Bile oo ahaa ninkii dilay Shiikha ayaa maxkamada la horkeenay iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed oo ahaa qaban qaabiyihii falkan sida ay Maxkamadda hadalka u dhigtay.
Fadhiga lagu dhagaysanayay dacwada ayaa lagu soo bandhigay qoraalo ay sameyeen labadan qof, muqaalo, hubkii shiikha lagu dilay iyo qaraxyo ay sheegeen goobta ay ku aaseen oo laga soo saaray gudaha magaalada Garowe.
Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun dil ku riday 5 ruux oo iyana dilka lagu eedeynayo oo ka maqnaa goobta kuwaasi oo kala ah.
1-Maxamed Cabdulaahi Ilkacase
2-Mawliid Maxamed
3-Shaqale Xasan Haybe iyo laba nin oo Buni Maxamed iyo Shiine keliya lagu soo koobay magacyadooda.
Muddo bil ah ayay haystaan sidii ay rafcaan uga qaadan lahaayeen go’aanka maxkamada ee dilka toogasho ,waxana maxkamadu sheegtay in labadan dhalinyaro loo qabtay qareeno u doodayay.
Daafeet.Com