Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo markii ugu horreysay ka hadlay mooshinkii fashilmay ee ka dhanka ahaa xukuumaddiisa ayaa beeniyay inay jiraan ballan-qaadyo loo sameeyay xildhibaannadii ka laabtay mooshinka.
Kaddib shirkii caadiga ahaa ee golaha wasiirrada, raysul wasaaraha ayaa saxaafadda u sheegay inuusan jirin ballanqaadyo ama musuqmaasuq lagu kala furay xildhibaannadii horey u gudbiyay mooshinka oo intooda badan ay markii dambe ka laabteen.
Wuxuu xusay in hal beel oo ka mid beelaha Soomaaliyed ay gadoodday, taasna ay keentay in xildhibaannada beeshaas ay si wada-jir ah mooshin uga keeneen xukuumaddiisa.
Raysul wasaaraha wuxuu sheegay in ay la kulmeen beesha gadoodday, ayna is-afgarteen.
Wuxuu u mahadnaqay dhammaan xildhibaannada Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu xushmeynayo “siduu mooshinka ku yimid, siduu ku jabay iyo sida loo maamulay”.
Wuxuu kaloo ammaaan u jeediyay dadka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay xukuumaddiisa tuseen sida ay u garab taagan yihiin, uguna kalsoon yihiin inay sii shaqeyso.
Isagoo ka hadlayay sida madaxda sare ee dalka ay u maareeyeen mooshinka jabay, wuxuu sheegay inay cashar fiican ahayd sida wada-jirka ah ee madaxda Soomaaliyeed ugu midoobeen maareynta arrintaas.
Raysul wasaare Shirdoon wuxuu ballan-qaaday in xukuumaddiisa ay la imaan doonto isbeddello cusub oo uu sheegay in wax looga qabanayo ammaanka iyo dib u soo cusbooneysiinta dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.
Daafeet.Com