Howlgalo lagu sugaayo Amanka oo beryahan ka socda Awdiinle

0
51

baritanHowgallo baaritaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa waxa ay maalintii saddexaad ka socdaan deegaanka Awdiinle oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Baydhaba.

Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle, Max’ed Sheekh C/laahi, ayaa sheegay in ciidamada ay baarayaan guryaha iyo gaadiidka soo galaya Awdiinle, si meesha looga saaro wax walba oo halis ku ah amniga deegaanka.

Max’ed C/laah Sheekh, ayaa ugu baaqay dadka Awdiinle in ay gacan siiyaan ciidamada oo uu sheegay in ka shaqeynayaan danaha shacabka, ayna ka fogaadaan gacansiinta kooxaha amni darada abuuraya.

Guddoomiyaha Awdiinle, ayaa sheegay in deegaankaan oo ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay Shabaab laga hirgalin doono saldhigyo ay dadka ugu adeegaan ciidamada booliska.

Daafeet.Com