Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday in ay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo gudbaya xuduudeeda iyo deegaanada kale ee ku teedsan si loo caawiyo kuwa doonaya in ay helaan hooy ay ku noolaadaan.
Dowlada Kenya ayaa joojisay diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed bishii October sanadkii 2011 ee ku sugan dhanka xuduuda iyo deegaanada baadiyaha ah waxaana ay ku amartay dadkaasi magangalyo doonka ah in ay galaan xeryaha dhadhaab.
Marka loo eego hadal uu jeediyay agaasimaha hayada Amnesty International ee deegaanka waxaa taasi ay dhalisay in ay kuwa dayacan noqdaan qaxootiga Soomaaliyeed oo la iska weerari karo maadaama aysan ka diiwaan gashneyn dalka Kenya.
Go’aanka dowlada Kenya ee ay ku joojisay diiwaan gelinta ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa qeyb kamid ah dadaalada amaanka dalkaasi oo looga hortagayo hanjabaado uu jeediyay Ururka Al Shabaab.
Hadalka kasoo yeeray hay’ada Amnesty International ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo xeryaha dhadhaab ay ka dhacaan mararka qaar falal amniga liddi ku ah .
Daafeet.Com