Ciidamada Boliska iyo Amisom oo maanta howlgalo ka wada qeyb ka mid ah Magalada Muqdisho

0
58

barisCiidamada booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa howgallo baaritaanno ah kawada saakay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir iyo jidka weyn ee Maka Al-Mukarama; iyadoo la joojiyay gaadiidkii mari jiray waddaadaas oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho.

Howlgalladan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen dadweynaha jidadka xiran mraya, kuwaasoo isugu jira arday, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo xoogsato ah.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diiday inay maraan jidadka xiran ee ay ka socdaan baaritaannada ay sameynayaan ciidamada isbahaysanaya, iyadoo la arkayay dadweyne badan oo waddooyinkaas lug ku maraya.

Tan iyo toddobaadkii hore ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay ka wadeen Muqdisho howlgallo baaritaanno ah oo ku raadinayaan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ku sugna magaalada Muqdisho.

Howlgallada maanta ka socda Muqdisho ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu cuslaa ee ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka fuliyaan magaalada Muqdisho tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay oo howgalladan ay billowdeen.

Daafeet.Com