Gudomiyaha Ururka Midowga Africa oo maanta la kulantey Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka

0
41

karyWafuuda caalamiga ah ee ka qeyb galeysa shirka 50-sanad guuradii ka soo wareegatay Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Dlamini Zuma ayaa maanta waxaa ay la kulantey xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka John Kerry, waxayna ka wada hadleen xaalada wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay iyo sidii Mareykanka uu u garab istaagi lahaa wadamadaasi.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Dlamini Zuma ayaa John Kery kala hadashay arimo ay ka mid yihiin xasilinta wadanka dhibaatada soo maray ee Soomaaliya iyo sidii meesha looga saari lahaa islaamiyiinta dowlada ka soo horjeeda.

Sidoo kale Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka John Kerry iyo Mrs Dlamini Zuma ayaa ka arinsaday arimaha xuquuqul insaanka, amaanka iyo dagaalada lagula jiro waxay ugu yeereen mintidiinta, waxayna arimahaasi oo idil ay ku tilmaameen caqabadaha ugu waa weyn ee imika Soomaaliya curyaaminaya.

John Kery ayaa sidoo kale si goono gooni ah Magaalada Adis-Ababa kula kulmay hogaamiyaasha Qaarada Africa.

Ugu dambeyn Xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka John Kery iyo Dlamini Zuma ayaa ka hadlay howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya waxayna bogaadiyeen labaduba sida ay wax u socdaan, waxayna ugu baaqeen in ay sii wadaan howlgalka tan iyo inta u jeedka ugu dambeeya laga gaarayo.

Daafeet.Com