Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo shir socday illaa xalay ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raaceen in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir maamul KMG ah loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.
Go’aanka madaxda IGAD ayaa ka dhashay warbixin ay u gudbiyeen wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan ka horreeyay midka madaxda ururka ku yeeshay Addis Ababa, waxaana tallaabaan ay meesha ka saarysaa dhismaha maamulka Jubaland oo madaxweynaha loogu doortay Sheekh Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna ismagacaabay.
Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ug qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo khudbad uu shirka ka jeediyay ku sheegay in guddigii IGAD ee loo dirtay xal u helidda Kismaayo ay wax badan uga qabsoomeen howshii loo xilsaaray.
“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii IGAD ee 03-dii May, guddigii IGAD ee booqday Muqdisho iyo Kismayo, waxay keeneen warbixin dhameystiran. Dowladda federaalka Soomaaliyana waxay diyaar u tahay inay xal waara u hesho arrimaha Kismaayo,” ayuu yiri madaxweynaha Sooomaaliya.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegy inay habboonaan lahayd in dadkii waday shirka Kismaayo ay markii hore maqlaan baaqyadii is-daba-joogga ahaa ee loo jeedinayay oo ahaa in shirkaas uu noqdo mid dastuurka dalka waafaqsan, isla markaana ay dowladdu hoggaanka u qabato shirkaas ayna ka qaybqaataan Soomaalida ku nool Jubbooyinka oo dhan.
Daafeet.Com