Gudoomiyaha Magaalada Marka ee Caasimad Goboleedka Shabelada Hoose Maxamed Cismaan Cali Yariisowoo ka hadlay amaanka iyo adeegyada Bulshada ee magaaladaasi ayaa sheegay in amaanka magaalada Marka uu yahay mid wanaagsan oo aysan jirin caqabado.
Gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa sidoo kale sheegay in amaanka magaalada ay sugayaan ciidamo isugu jira Boolis iyo Meleteri waxa uuna xusay in cid aan aheyn ciidamada amaanka aan lagu dhex arki Karin gudaha magaalada ayadoo hub ku dhex sidata ciidamadana aysan hubka ku dhexsidan Karin goobaha qaar ee magaalada.
Magaalada marka ee xarunta gobolka shabelada hoose ayaa dhawaan waxaaa loo magacaabay maamul cusub kadib markii maamulkii hore uu khilaaf hareeyay, ayadoona maamulka cusub uu imika muujinayo dadaal iyo wada shaqeyn uu la sameeyo shacabka ku dhaqan magaalada Marka.
Daafeet.Com