Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashaanshiga shalay ka baaqday safar ay ku tegi lahaayeen Magaalada Kismaayo ayaa maanta gaaray halkaas, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Kismaayo.
Wafdigan oo ka kooban saddex wasiir ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, boostada iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiirka garsoorka iyo cadaaladda, C/llaahi Abyan Nuur.
Xubnahan wasiirrada ayaa waxay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kulan kula leeyihiin saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo xubno ka tirsan maamulka Sheekh Axmed Madoobe.
Lama oga inta casho ee ay ku sugnaan doonaan wasiirrada magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale safarkooda ku wehliya saraakiil ciidan iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.
Daafeet.Com
DF somaliya waa iney kagaadaan gocaan cad oo sharciga waafigsan jabhada raskamboni xadii tasdhiciwaaso waxaa la arkeeyaa in sobaxdo jabhad 2 oo ka hortageeso jabhada raskaboniyiinka
Dowlada waa ineey waxka qabtaan arrinta Raskamboni, haddii kale anagana Jabhad kale oo kubiirta Ethiopia, noqoneysa Kilinka 6-aad!!!!!
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
meeqo madaxweyne!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Comments are closed.