Ciidamada seralion ee Amisom ka mid ah oo ku qul qulaya jubada dhexe

0
68

Nigerian reinforcements ECOMOG peacekeepDaafeet News . Ciidamo ka socda dalka Seralion oo ay weheliyaan kuwa Kenya iyo kuwa Soomaali ah ayaa u jiheystay degmooyin kamid ah gobolka Jubbada dhexe si ay saldhigyo ugu sameystaan ,iyadoo gobolka jubada dhexe oo gabi ahaantiisba ku jira gacanta xarakada Alshabaab

Wararka ay shabakada daafeeet heleyso , ciidamadaan wali ma gaarin magaalada Afmadow, waxayna u badantahay ka hor inta ayna gaarin jiidda hore, inay tababaro ku aadan dhinaca dabeecadda dhulka iyo habdhaqanka bulshada Soomaaliyeed ay ku qaadanayaan deegaanka Taabta oo ah mid kamid ah saldhigyada ugu weyn ee ciidamada Afrikaanku ku leeyihiin gobolka.

Sidoo kale, ciidamo Soomaali ah oo loogu talo galay inay ka barbar dagaalaan ciidamadan cusub ayaa cutub koodii ugu horeeyay laga soo dhaqaajiyay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. AMISON oo isu diyaarinaysa inay guluf ku qaado xarakada Alshabaab degmooyinka ay wali gacanta kaga hayso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ayay wararku sheegayaan in hujuunka ugu horeeya uu ku waajahanyahay degmooyinka Jilib iyo Xagar.

Waxaa iyana jira dhaqdhaqaaq kan lamid ah oo ka socda deegaanka Buusaar iyo kan Sarinleey oo ku foorara magaalada Baardheere ee gobolka Gedo sida uu noo xaqiiyiyey taliyaha ka hoowlgala aaga ceelwaaq Col. Maxamed ibrahim Eeneey
isku soo duuboo , arimaha jubooyinka wali fari kama qodna, iyadoo aan la socono in ay meel xasaasi ah mareyso arrimaha siyaasada iyo maamuladii is magacabay ee 15ka may loogu wada dhawaaqay magaalada kismaayo .

Xafiiska Wararka Daafeetnews , ee jubooyinka