Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo baaritaanno ah kawada xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyagoo howlgalladaas ku qabqabtay dad fara badan.
Howlgalladan oo qayb ka ah howgallo ay ciidamada isbahaysanaya ka wadeen Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay ayay AMISOM iyo dowladdu ku sheegeen inay yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya Muqdisho.
Xaafadaha la baarayo ayaa waxaa ka mid ah Nasteexo, Jayga iyo siligga Mareykanka, iyadoo dadka lagu amray inaysan guryaha kasoo bixi, ciidankuna ay guri-guri u galayaan guryaha ku yaalla xaafadahaas.
Barxad weyn oo ku taalla siligga Mareykanka ayaa la isugu geeyay boqolaal qof oo lagu soo qabqabtay howlgallada saakay socda, iyadoo aysan jirin cid weli xabsi loo dhaadhiciyay.
Howlgalkan ayaa wuxuu daba socdaa howgal maalin ka hor ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafadda Buulo-xuubeey oo ka tirsan isla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Daafeet.Com