Kooxda Raaskanbooni ee ka amar qaadata Axmed Madoobe oo kamid ah Madaxweynayaasha ismagacaabay ee Jubaland State ayaa amar adag dul dhigtay Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale Dowlada u dirtay Magaalada Kismaayo.
Wareegto kasoo baxday Maamulka Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu amray Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale ee Dowlada katirsan in ee Magaalada Kismaayo uga baxaan Magaaladaasi mudo ku eg 36-saacadood.
Amarkan la dul dhigay Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa hadii aysan Magaalada Kismaayo uga bixin waqtiga loo qabtay Masuuliyiintan laga qaadi doono tilaabo adag maadama ay ku xadgudbeen sharciyada maamulka Jubalnad State .
Maamulka Axmed Madoobe ayaa Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo gudaheeda iyo Garoonka Diyaaradaha ku sugan ku tilmaamay in ee yihiin kuwa Qaswadayaal ah oo laga soo abaabulay Muqdisho looguna tala galay in ee jahwareer ka abuuraan Magaalada Kismaayo amaankana qal qal galiyaan.
Kooxda Raaskanbooni ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mar dambe aysan ogolaan doonin Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya in ee kasoo dagaan garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayna ka hortagi doonaan.
Warkan kasoo baxay Kooxda uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ee kusugan Magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadaa xili Garoonka Diyaaradaha Kismaayo habeenkii labaad ee jiifsanayaan Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya kuwaa oo loo diiday in gudaha u galaan Kismaayo.
Daafeet.Com