Maamulka Degmada Xudur ee Gobalka Bakool ayaa ka hadlay dagaalo ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Xudur ee Gobalka Bakool halkaasi oo ay kuwada dagaalameen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Shabaab.
Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii xoogaga Shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaano hoostaga Degmada Xudur halkaasi oo ciidanka Dowladda difaacyo kaga jiraan.
Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobalka Bakool Maxamed Macalin ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay iska caabiyeen weerarka Shabaab ay kusoo qaadeen balse uusan jirin khasaaro dagaalkaasi ka dhashay oo dhanka ciidanka Dowladda soo gaaray.
Wuxuu sheegay in dagaalka uu ka dhacay deegaan 15-Km ujirta Degmada Xudur ciidanka Shabaab ee dagaalka ay la galeena ay khasaaro kala duwan ugeesteen oo rag ay kaga dileen dagaalkaasi.
Al-Shabaab dhankooda kama aysan hadlin dagaalka ka dhacay shalay Gobalka Bakool deegaano ka tirsan oo ay guulaha ka sheeganayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Daafeet.Com