Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya walaac ka muujiyay howlaha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya ay ku joogaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xilli ay dowladda Soomaaliya doonayso inay qabsato deegaannada kale ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka Midowga Afrika oo shalay ka furmay Addis Ababa ayaa sheegay in xukuuumadda Soomaaliya ay kala hadlayso Midowga Afrika howsha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya, kaddib markii ay caddeeyeen inaysan sugayn ammaanka koox wasiirro iyo xildhibaanno ah oo ku sugan Kismaayo.
Sidoo kale, marka laga soot ago caradiisa wuxuu madaxweynuhu ammaanay ururka IGAD oo ay ku jirto Kenya oo uu sheegay inay doonayaan inay kala shaqeeyaan dowladdiisa horumarinta maamullada gobollada dalka.
“IGAD waxay si cad u muujisay doorkeeda ku aaddan taageerada dowladda Soomaaliya, waana mid aan aad ugu qanacsannahay kaalinta IGAD,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in kooxah Kismaayo in aysan awood u lahayn inay khalad tahay inay iyaga keligood dhistaan maamul ay gaar ay u leeyihiin, balse ay ahayd inay dowladda kala shaqeyso sida loo dhisayo maamulka.
Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay qorshe cad u dajisay dhismaha maamul goboleedyada dalka, wixii qodobadaas ka horimaanayana aanay ogolaan doonin.
Daafeet.Com